13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Al-shabaab oo dad Xoolo dhaqato ah ka afduubatay deeggaanka Nuur fanax ee gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, Agoosto 6, 2025 (HOL) – Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa maanta dad xoolo dhaqato ah ka afduubtay deegaanka Nuur fanax ee gobolka Hiiraan oo ah deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Halgan iyo Baledweyne. 

Dadka la afduubtay ayaa ah lix ruux oo dhamaantood xoolo dhaqato ahaa oo si weyn looga yaqiinay deegaanka Niir fanax iyo deegaanada hoostaga.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa afduubkan ay  kooxda Al-shabaab u geysatay lixda ruux oo ah dhamaantood dad kasoo jeeda Beesha Xawaadle oo sanadahii dambe dagaalo qaraar kala dhaxeysay Al-shabaab. 

Ilo ku sugan deegaanka Nuur fanax ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ragga arly afduubteen Al-shabaab iney ahaayeen dad aanan wax shaqo ah ama xiriir ah uusan kala dhaxeyn ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee dagaalka kula jira Al-shabaab. 

Si kastaba ha ahaate afduubka dadkan xoolo dhaqatada ah uu kusoo aadaya, iyadoo laba habeen ka hor meel u dhaw deegaanka Nuur fanax ciidamo ka tirsan Macawiisleeyda beeshaas ay ku dileen xubin ka tirsana Al-shabaab, islamarkaana ay ka qaateen hubkii uu watay.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).