
Saraakiisha Itoobiya ayaa si cad u sheegay in aysan aqbali doonin wax tallaabo ah oo halis gelin karta amniga xuduudda Itoobiya, waxayna si toos ah u dalbadeen in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxaan degmada Beled-Xaawo oo dhowaanahaan ay ku dagaalamayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubaland.
Sidoo kale, Itoobiya waxay beenisay eedeymo sheegayay in ciidamadeeda ku sugan Doolow ay weerar ku qaadeen xarun ay leedahay hay’adda sirdoonka Soomaaliya (NISA), Waxay sheegeen in aysan jirin wax duqeyn ah oo ay geysteen, isla markaana aysan dooneyn wax iska horimaad ah.
Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in wadahadallo u socdaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya si loo dejiyo xaaladda loogana hortago dagaal hor leh oo ka dhaca gobolka.
Dhanka kale, Itoobiya waxay u muuqataa mid si weyn uga walaacsan dhaqdhaqaaq kasta oo ciidan ah oo ka ag dhaca xuduuddeeda, gaar ahaan Beled-Xaawo oo ay u aragto meel istaraatiiji ah.
Xiisadda Beled-Xaawo ayaa markale kor u sii kacday, iyadoo cadaadis ka imaanaya Itoobiya uu dul hoganayo dowladda federaalka, Waxa la sugayaa natiijada wadahadallada u socda Itoobiya iyo Dowladda Federaalka, kuwaas oo noqon kara fursad lagu dejiyo xaaladda, haddii aanay ku dhammaan gacan-ka-hadal cusub.