13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay deegaano ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, Agoosto 6, 2025 (HOL) – Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Gaashaan ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Cumar Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan maleshiyaadka Al-shabaab, waxaana sidoo kale lagu burburiyay fariisimo ay kooxdu halkaasi ka sameysatay maalmahii lasoo dhaafay.

“Ciidanka NISA ayaa kor u qaaday howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

Dhinaca kale ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa xaq u dirirka deegaanka ayaa howlgal lagu dilay sadax xubnood oo  ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid qorsheysanaa oo u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana ciidanka xoogga dalka ay ka go’an tahay ciribtirka Al-shabaab. 

Howlgaladaan lagu dilay xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ee ka kala dhacay gobolada Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada dowladda Fedaraalka ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).