
Safiiradda cusub ee maanta warqadaha uu ka guddoomay madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalalkoodu kala yihiin Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania iyo Ciraaq.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga horeyn ugu hambalyeeyey safiirradan cusub iney ku soo biireen safka diblomaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, isagoona xusay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalkan.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale ku booriyey safiirradan cusub iney ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee kala dhaxeeya dalalkooda dowladda Soomaaliya.
Danjireyaasha uu maanta Madaxweynuhu ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga ayaa kala ah Suleiman Dedefo Woshe Safiirka Itoobiya, Robert Ifriyie Safiirka Ghana, Maes Ennio Safiirka Ivory Coast, Alejadro Eves Estivill Castro Safiirka Mexico, Moravia Peralt Hernaldez Safiirka Venezuela, Kang Hyundshik Safiirka Korea, Hussein Deh Safiirka Mauritania, Kahtan Taha Khalaf Safiirka Ciraaq.