
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay, taasoo ay maleegeen kooxda Daacish oo marar badan weerarro ka fulisay buuraha gobolka Bari.
Miinadan ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen labada sarkaal xilli ay ku jireen howlgal amni.
Allaha u naxariistee Kabtan Maxamuud Jaamac Leexo wuxuu ahaa sarkaal horey laba jeer ugu dhaawacmay dagaallo ka dhacay Dharjaale iyo Haraaryo, balse mar walba wuxuu doorbidayey inuu u laabto furinta dagaalka markii uu bogsado.
Maxamuud Leexo waxa uu sidoo kale walaal la ahaa Allaha u naxariistee Nuur Jaamac Leexo, oo isna ka mid ahaa saraakiisha difaaca Puntland ee ku geeriyooday dagaalka ka dhanka ah Daacish. Labadooduba waxay ahaayeen saraakiisha safka hore uga jiray dagaalka ka dhanka ah Daacish.
Ciidanka PMPF ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka ah Daacish uu sii socon doono, iyadoo dhimashada saraakiishaas aysan niyad jabin doonin go’aanka lagu ciribtirayo kooxaha argigixisada.
Geeridooda ayaa kusoo aadaysa xilli uu hakad ku jiro dagaalka Daacish, iyadoo haatan Puntland ay diyaarinayso sidii loosoo afjari lahaa Daacishta isku urursatay labo aag oo kala ah, Togga Baallade iyo buuralayda Xabley oo ah labo aag oo loo maleynayo inay ku sugan yihiin horjoogayaasha Daacish.