13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Ku dhawaad 100 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, Agoosto 5, 2025 (HOL) – Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgalo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, kasoo laga fuliyay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. 

Ciidamada iskaashanaya ayaa la sheegay in howlgalkan ku fashilyeen, kuna burburiyeen laba baabuur oo noocoodu yahay Leyla Calaawi oo ay kooxdu kasoo buuxisay waxyaabaha qarxa.

“Khawaarijta ayaa isku dayday in ay laba gaari oo miineysan ku soo weeraraan ciidamada, si ay u fuliyaan weerar naf-halignimo ah. Balse Ciidanka ayaa si feejigan iyo geesinimo leh uga hortagay weerarkaasi, waxaana ay guuleysteen in ay si nabad ah u burburiyaan labada gaari ka hor intaysan waxyeello geysan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Howlgalkan oo lagu magacaabay ololaha “Duufaanta Aamusan” oo ka socday deegaanka Bariire dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay ayaa sidoo kale la sheegay in lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay howlgalkan sida wadajirka ah uga fuliyeen deegaanka Bariire iyo nawaaxigiisa ee jabka xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-shabaab. 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).