12.4 C
London
Thursday, October 9, 2025

Warbixin: Ganacsato badan oo ku hanti beeshay Dab xoogan oo ka kacay Suuq Bacaad

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, Agoosto 5, 2025 (HOL) – Ganacsade Ibrahim Muse, oo ka mid ah dadka suuq Bacaad ku ganacsada, ayaa sheegay in saddex dukaan, oo mid ka mid ah uu ahaa dukaanka hooyadiis, ay gabi ahaanba gubteen, Tani waxay muujinaysaa saameynta ba’an ee uu dabku ku yeeshay ganacsatada, gaar ahaan qoyska Ibrahim.

Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo heerka khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dab xooggan oo muddo saacado ah ka kacay Suuqa Bacaad, Dabkaasi, oo si weyn u baabi’iyey suuqa, ayaa la sheegay in si buuxda loo damiyay xalay waqti dambe kadib dadaallo xooggan oo ay sameeyeen ciidamada dab-damiska ee Dowladda Hoose.

Shukri Geedi, oo ka mid ah ganacsatada ka ganacsata Suuqa Bacaad, ayaa muujisay murugo iyo niyad-jab weyn kadib markii ay ku waayday $8,000 oo hanti ah dabkii ka kacay suuqa, Waxay sheegtay in xitaa lacag caddaan ah oo ay isku dayeen in ay badbaadiyaan intii lagu jiray jahwareerka daminta dabka uu dabku gubay.

“Ma jirin wax aan ka badbaadsannay. Xitaa lacagtii aan gacanta ku haysan ayaa ku bas beeshay ololka.” ayay tiri Shukri oo warbaahinta Gudaha la hadleeysay.

Hay’adaha amniga iyo maamulka degmada Yaaqshiid ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah si loo xaqiijiyo sababta dhabta ah ee ka dambaysay dabka, iyaga oo weli baaraya meelo dhowr ah oo lagu tuhunsan yahay in uu dabku ka bilaabmay.

Waxaa wali socota qiimeynta khasaaraha, iyadoo ganacsatada intooda badan ay dalbanayaan magdhow iyo taageero degdeg ah si ay dib ugu bilaabaan ganacsigooda.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Suleiman Mahamoud Fargah, ayaa sheegay in dabku ka dhashay cilad koronto, Nasiib darro, hal qof oo ah gabar yar ayaa ku geeriyootay shilkaas, taasoo ah dhimashada kaliya ee ilaa hadda la xaqiijiyay.

Guddoomiyuhu wuxuu tacsi u diray qoyska gabadha geeriyootay, isagoo caddeeyay in aysan jirin dhaawacyo kale oo la soo sheegay.

Wararka qaar ee ka imaanaya ganacsatada suuqa ayaa tilmaamaya in dabku ka bilowday qashin badan oo yaallay meel ka mid ah suuqa, taas oo si degdeg ah ugu fiday meelo kale, Tan ayaa ka duwan sheegashada maamulka degmada oo sheegay in dabka uu ka dhashay cilad koronto.

Maanta ayaa la filayaa in guddi ka kooban ganacsatada deegaanka la dhiso, si ay u qiimeeyaan khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay dabka, Guddigaasi ayaa la kulmi doona dadka ay saameeyeen si ay xog uga ururiyaan, islamarkaana u sameeyaan qiimeyn dhab ah oo ku saabsan hantida ku burburtay.

Xilli bulshada ay weli ka murugaysan tahay dhacdadan naxdinta leh, waxaa la filayaa in warbixino dheeraad ah laga bixiyo natiijada baaritaanka socda iyo dadaallada dib u dhiska ee lagu caawinayo dadka waxyeelladu soo gaartay.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).