12.4 C
London
Thursday, October 9, 2025

Kooxda Al-shabaab oo la wareegtay deegaan ka tirsan ee gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Talaado, Agoosto 5, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya deegaanka Goobo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Kooxda Al-shabaab ay si buuxdo ua wareegeen.

Kooxda Al-shabaab ayaa lasoo wariyay in si nabad ah oo bilaa dagaal ah kula wareegtay gacan ku heynta deegaanka Goobo oo ka mid ah deegaanada ku yaala xadka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, kadib markii halkaasi isaga baxeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka. 

Deegaanka Goobo ayaa istiraatiiji u ah isku xirka gobolada Hiiraan iyo Galguduud gaar ahaan wadooyinka muhiimka ah ee loo maro degmooyinka Matabaan iyo Guriceel oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Galguduud.

La wareegista kooxda ee deegaanka Goobo ayaa timid, iyadoo halkaasi inta badan dadkii degana ay isaga barakaceen maalmahii lasoo dhaafay, kuwaas oo intooda badan u qaxay magaalada Baledweyne iyo deegaanada ku dhadhaw.

Ugu dambeyntii Al-shabaab ayaa u muuqata mid isku balaarin haysa deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan ee horay looga xureeyay kooxda 2 sano ka hor, waxayna dib ula wareegtay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).