
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa ku dhawaaqay arrintan isagoo ka jawaabayay su’aalo uga yimid warbaahinta dowladda kaddib shir sanadeedkii siyaasadda dhaqaalaha oo uu Bankigu ku qabtay magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in qorshaha lacagta cusub uu weli ku jiro marxaladaha farsamo ee hore, ayna shaacin doonaan faahfaahinta marka diyaar garowgu dhammaado.
“Dowladdu waxay wadataa qorshe ay ku soo saareyso lacag cusub,” ayuu yiri Guddoomiyaha, isagoo intaa raaciyay in faahfaahin dheeraad ah laga sugayo marka geeddi-socodku soo dhamaado.
IMF ayaa sidoo kale war-saxaafadeed ay soo saartay 9-kii Luulyo 2025, kadib markii guddiga fulinta ee IMF uu soo gabagabeeyay dib u eegistii saddexaad ee barnaamijka ECF ee Soomaaliya, ku sheegtay inay ogtahay qorshaha dowladda.
“Mas’uuliyiintu waxay sii wadeen dadaalladooda dib-u-habeynta inkastoo ay jireen caqabado gudaha iyo dibaddaba. Waa muhiim in si taxadar leh loo sii wado geeddi-socodka dib-u-soo-celinta Shilin Soomaaliga iyadoo la adeegsanayo habka currency board,” ayuu yiri Nigel Clarke, ku-xigeenka Agaasimaha IMF iyo Guddoomiyaha shirarka guddiga.
IMF ayaa ballanqaaday inay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku taageeri doonto dhanka farsamada, gaar ahaan naqshadeynta lacagta, horumarinta siyaasadda lacageed iyo kor u qaadidda ka qeybgalka dadka ee nidaamka maaliyadeed.
IMF waxa kale oo ay xaqiijisay taageerada ay u hayso qorshaha dowladda ee ku aaddan dib-u-soo-celinta Shilin Soomaaliga iyadoo la raacayo nidaamka “currency board”, taas oo micnaheedu yahay in lacag kasta oo la daabaco ay khasab tahay inay la siman tahay kaydka lacagaha qalaad ee dalka yaalla.
Soomaaliya ma aysan daabicin lacag rasmi ah muddo ka badan 30 sano, tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991.
Maanta, dhaqaalaha intiisa badan wuxuu ku shaqeeyaa doolarka Mareykanka iyo lacagaha taleefanka gacanta, halka Shilin Soomaaligii jira uu noqday mid duugoobay ama been abuur ah.