12.4 C
London
Thursday, October 9, 2025

Ciidamada Jabuuti ee kusugan Jalalaqsi oo loogu baaqay inay ka feejignaadaan Kooxda Al shabaab

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, Agoosto 5, 2025 (HOL) – Taliyaha Qeybta 4-aad ee AUSSOM, Kornayl Cabdiraxmaan Rayaale, ayaa kormeer ku tegay ciidamada Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi si uu u qiimeeyo xaaladda amniga ee gobolka Hiiraan.

Kornayl Rayaale ayaa ciidamada ku ammaanay xirfaddooda sare iyo dadaalkooda joogtada ah ee ay ugu jiraan la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, isagoo sidoo kale ku boorriyay inay sii xoojiyaan feejignaanta.

Intii uu safarkiisu socday, Kornayl Rayaale wuxuu kulan la yeeshay mas’uuliyiinta deegaanka, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi, Nuur Absuge, iyo Taliyaha Ciidamada Degaanka, Kornayl Cabdinasiir Cali. 

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iskaashiga amniga iyo horumarinta howlgalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

Kornayl Rayaale sidoo kale wuxuu booqday Isbitaalka Guud ee Jalalaqsi si uu xog-ogaal ugu noqdo caqabadaha caafimaad iyo bani’aadanimo ee heysta bulshada deegaanka, Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd in la baaro fursadaha taageero oo dheeraad ah oo la siin karo dadka deegaanka, iyadoo la eegayo baahiyaha degdegga ah ee ka jira halkaas.

Booqashada Kornayl Rayaale ayaa imaneysa xilli uu socda dadaal xooggan oo wadajir ah oo lagu xasillinayo deegaannada ay saameeyeen colaadaha, iyadoo AUSSOM ay ka go’an tahay in la helo nabad waarta iyo iskaashi u dhexeeya ciidamada, maamulka iyo bulshada rayidka ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).