Wafdiga waxaa ka mid ahaa saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka AUSSOM (AUSSOM). Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray Xaaladda guud ee siyaasadda dalka, Amniga Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya iyo Dadaallada socda ee la dagaallanka argagixisada.
Intii uu kulanku socday, Danjire Diene waxa uu si gaar ah u ammaanay dadaallada Dowladda Jubaland ee ku aaddan xoreynta deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan Jubaland, iyo xasilinta deegaannada dhawaan laga saaray argagixisada.
Waxa uu xusay in ciidamada Jubaland ay muujiyeen karti, xirfad iyo waxqabad la taaban karo, taas oo muhiim u ah xoojinta nabadgalyada iyo xasilloonida dalka.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya, isaga oo sheegay in iskaashiga dhanka amniga uu yahay mid lagu gaari karo mustaqbal nabdoon iyo horumar waara.
Kulankaan waxa uu imaanaya iyadoo wali ay xiisad ay ka taagan tahay gobolka Gedo, oo ay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda federaalka uu hor kacaayo Cabdirashiid Jajan iyo kuwa Jubaland ay dhowr jeer ku dagaalameen ayna sababtay khasaare labada dhinac ah oo dhimasho iyo dhaawacba leh sidoo kalena waxyeelo ay kasoo gaareen shacabka ku nool Degmada Balad Xaawo.