
Howlgalkaan ayaa intuu socday saraakiishu waxay xaqiijiyeen in dagaalo culus ay la galeen ciidamada is kaashanaya kooxda Al-Shabaab, islamarkaana khasaare xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Saraakiisha ciidamada waxay sidoo kale sheegeen in wali ciidamadu deegaanka Bariire iyo nawaaxigiisa ka wadaan baacsiga xubnaha Al-shabaab ee sida dhuumaaleysi ah ku galay deegaanadaas.
Deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah deegaanada ay sida xoogan u doon doonayaan maleeshiyaadka iney gacanta ku dhigaan, waxaana halkaas marar badan ay ka geystay weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah.
Ugu dambeyntii howlgaladaan ay sida wadajirka ah uga wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AUSSOM ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada ay kordhiyeen howlgalada ay ka wadaan gobolka Shabeellaha Hoose ee dhanka ah Al-shabaab.