Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay tahay goob martida lagu soo dhoweeyo oo aan lagu dhibaateyn, isla markaana Somaliland iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo xidhiidh gaar ah.
“Somaliland waa dal iyo dad martigelinta ku wanaagsan, waa dad gobonnimo iyo ikraamka ku fiican. Dalka Itoobiya xidhiidh gaar ah ayaa inaga dhexeeya, sidoo kale waxa inaga dhexeeya xidhiidh taariikhi ah oo muddo dheer soo jiray.
Sidaas darteed dadka reer Itoobiya iyo dadka reer Somaliland ma kala maarmaan,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa uu sheegay in laga bilaabo maanta ay mamnuuc tahay in dadka Itoobiyaanka ah loo adeegsado magacyo aan ahayn magaca Itoobiyaan, isaga oo masuuliyiinta xukuumadda ku wargeliyay in magaca rasmiga ahi yahay “Itoobiyaan” oo aan loo isticmaali karin magac muujinaya qoomiyad.
“Dadku ama waa ajnabi, haddii Itoobiya laga hadlayona dadka ku nool waa Itoobiyaan. Sidaas darteed cid gaar ah magac gaar ah looma bixinkaro, dhamaan luuqadda dowladdu isticmaalayso waxa laga mamnuucay wax aan ka hooseya magaca Itoobiyaan. Dadka Itoobiyaankuna waa Itoobiyaan, in la dhibaateeyo waa mamnuuc,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Madaxweynuhu waxa uu ciidamada ammaanka faray in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo lagu qabto fal ka dhan ah dadka ajnabiga ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ilaalinta iyo amniga dadka ajnabiga ahi ay masuuliyad ku tahay hay’adaha ammaanka.
“Ciidamada ammaanka oo keliya ayaa go’aan ka gaadhi kara, qof shacab ahi sharciga gacantiisa kuma fuli karin, qofna ma dhibaateyn karo. Qofkii dhibaateeyaana sharciga ayaa qaban doona. Badbaadada dadka ajnabiga ah annaga ayaa masuul ka ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Madaxweyne Cirro.
Bulshada Somaliland ayaa baraha bulshada kaga falcelisay dhacdadii handadaadda loogu gaystay wiilka Itoobiyaanka ah ee ka dhacday Hargeysa, iyaga oo qaar ka mid ahi ku tilmaameen dhaqan aan hore loogu arag Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, dhallinyaradii ku kacday falkaasi ayaa la sheegay in ay uga jawaabeen dhallinyaro Oroma ah oo maalmihii u dambeeyay gudaha Hargeysa kaga dhawaaqayay hadallo ay ku sheegayaan in iyagu ay leeyihiin magaalada isla markaana ay barakicin doonaan dadka deegaanka.
Somaliland ayaa ka mid ah meelaha ay aadka ugu badanyihiin dadka Itoobiyaanka ahi, isla markaana nabad buuxda ayay ku haysteen muddo badan oo xataa sannadkii 2018 markii qoomiyadda Oromadu ku dishay magaalada Hawaday ee deegaanka Oromada in ka badan 30 qof oo reer Somaliland ah, dadka reer Somaliland kama jawaabin falkaas, isla markaana lama arag Itoobiyaan ah oo lagu dhibaateeyay Somaliland.
Haddaba, magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland waxa buux dhaafiyay dad Itoobiyaan ah oo bilaa sharci ah kuwaasi oo ku shaqaysta dawarsiga, oo subaxdii hore kusoo kalaha xaafadaha, iyaga oo albaabbada xoog ugu garaacaya dadka oo hurda, taas oo dad badan ka cadhaysiisay.