16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah Dowlad goboleed ugu aqoonsatay maamulka Waqooyi Bari

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, Agoosto 31, 2025 (HOL) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah loo soo gabagabeeyey geeddi-socodkii dhismaha maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, kaas oo hadda si buuxda uga mid noqday dowlad goboleedyada xubinta ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya.

Geeddi-socodkan oo ku dhisnaa wadatashi, adkaysi iyo go’aan adag ayay Dowladdu sheegtay inay hormuud ka ahaayeen hacabka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo sanadkii hore dhistay maamul ku meel gaar ah oo lagu magacaabo SSC-Khaatumo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in marxaladihii ugu muhiimsanaa ee geeddi-socodkaasi ay ahaayeen ansixinta dastuurka maamulka oo ka dhacday shirweyne lagu qabtay 30-kii Luulyo 2025, doorashada Baarlamaanka cusub oo ka kooban 83 xildhibaan oo la qabtay 17-kii Agoosto, doorashada guddoonka Baarlamaanka oo dhacday 23-kii Agoosto iyo ugu dambeyn doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo qabsoontay 30-kii Agoosto 2025.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa muddo 53 maalmood ah ku sugnaa magaalada Laascaanood si uu si shaqsi ah u kormeero hannaanka dhismaha maamulka, isagoo mahadnaq u jeediyay odayaasha dhaqanka, culumada, bulshada rayidka ah iyo guud ahaan shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn dadaalkii iyo dulqaadkii ay muujiyeen.

Waxay Dowladdu si gaar ah ammaan gaar ah ugu jeedisay Guddiga Farsamada ee dhismaha maamulka oo door weyn ku lahaa fududeynta wadatashiyada iyo hubinta kalsoonida bulshada.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dhismaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka deegaanka, isla markaana uu astaan u yahay midnimada, wadajirka iyo dhismaha nidaamka federaalka Soomaaliya.
    

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).