16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Madasha Samatabixinta oo shaacisay ineysan aqbali doonin wax muddo kororsi ah

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, Agoosto 31, 2025 (HOL) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed garabka uu hoggaamiyo madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa shir ay lahaayeen labadii maalin ee lasoo dhaafay kasoo saraay goordhaw go’aano culus iyo digniin ku socota madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warmurtiyeedka Madasha ayaa ugu horeyn waxay welwel uga muujiyeen in dowladda Fedaraalka ka jeesatay dagaalkii lagula jiray kooxaha argagaxisada, islamarkaana dowladdu ku mashquushay boobka iyo barakicinta lagu hayo dadka shacabka ah.

Bayaanka kasoo baxay Madasha Samata bixinta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale loogu baaqay madaxda dowladda in la gaaro heshiis siyaasadeed loo dhan yahay, islamarkaana si deg deg ah loo qabto doorashada maamullada.

Waxaa sidoo kale Madashu ay qoraalkeeda ku cadeysay ineysan aqbali doonin muddo xileed dhaafsiisan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waqtiga loo asteeyay ee 15-ka May 2026.

“Si hubanti la’aan siyaasadeed looga badbaadiyo dalka, in waqtiga yar ee ka harsan muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha laga heshiiyo doorasho la hirgelin karo, loona dhanyahay, ka fiicantii tii 2022, heshiisna lagu yahay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madasha Samata bixinta Soomaaliyeed ee Mucaaradka ku ah dowladda.

Qoraaalka Madasha Samata bixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku laabto wax ka beddelkii sharci darrada ahaa ee uu ku sameeyay dastuurkii la isku raacsanaa ee 2012, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo dastuuro iska soo horjeeda.

“Madashu waxay u aragtaa xeerka doorasho, kan Xisbi iyo Guddiga Doorashada ee uu Madaxweynaha uu samaystay in ay yihiin shaatigi isaga ku jjin ah, sababta luuqnta la iskugu suray doorashooyinka heer degaan, dowlad goboleed iyo federaalna ay tahay muddo kororsi.” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha Samata bixinta. 

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed:-
    

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).