
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyey xildhibaannada, guddoonka baarlamaanka, iyo dhammaan musharrixiintii u tartamay xilka madaxtinimada, isaga oo tilmaamay in doorashadan ay ka tarjumeyso biseyl siyaasadeed iyo faham qoto dheer oo ku aaddan dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo hoggaanka cusub masuuliyadda culus ee hortaalla, wuxuuna muujiyey kalsoonida uu ku qabo in ay noqon doonaan hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dhismaha dowladnimada.
Isagoo ka hadlayay doorka Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu caddeeyey in dowladda dhexe ay diyaar u tahay in ay garab istaagto maamulka cusub, si loo dhameystiro hannaanka federaaleynta dalka, loogana shaqeeyo danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay shacabka iyo hoggaanka cusub ee Waqooyi Bari in ay adkeeyaan midnimada, wadajirka, iyo iskaashiga si looga gudbo caqabadaha jira loona gaadho horumar waara oo ku dhisan kalsooni, nabad iyo wada-tashi.