14.7 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u hambalyeeyay Madaxdii maanta lagu doortay Laascaanood

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, Agoosto 30, 2025 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah dhambaal hambalyo ah ugu diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye), iyo Madaxweyne ku-xigeenka cusub, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Doorashadan ayaa ka dhacday magaalada Laasacanood, iyadoo ay si nabad ah ku soo gabagabowday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay doorashadan mid muujinaysa biseyl siyaasadeed iyo kartida shacabka Waqooyi Bari u leeyihiin dhismaha hay’adaha dowladeed, Wuxuu carabka ku adkeeyay in doorashadan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dadaal weyn ku bixisay horumarinta nidaamka Federaalka, isla markaana ay doorashadan tahay mid ka tarjumeysa miro-dhalka dadaalladii loo galay sidii dalka Soomaaliya u heli lahaa nidaam dowladeed oo casri ah, hufan, kuna dhisan awood qaybsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka ay xildhibaannada iyo shacabka reer Waqooyi Bari ka qaateen qabsoomidda doorashada, isagoo xusay in tani ay tusaale u tahay dimuqraadiyadda iyo is-maamul wanaagga.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay Madaxweynaha cusub iyo ku-xigeenkiisa in ay noqdaan hoggaan u heelan midnimada bulshada, horumarinta adeegyada bulshada, iyo difaaca danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).