
Inkastoo aanay waxyeello weyn soo gaadhin dhalinyarada Itoobiyaanka ah ee la weeraray, haddana dhacdadani waxay ku soo beegmaysaa xilli ay maalmihii u dambeeyay magaalada Hargeysa soo galeen dad Itoobiyaan ah oo aad u badan, kuwaas oo qaarkood warbaahinta ka sheegay in ay magaalada Hargeysa iyagu leeyihiin isla markaana ay kala wareegi doonaan dadka deggan.
Afhayeen u hadlay Booliiska Somaliland ayaa ka digay dhacdadan, isaga oo sheegay in walaaltinimo ay ka dhaxayso dadka reer Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana dad kasoo kala jeeda labada dhinac ay si sharci ah ugu nool yihiin labada dhinac.
“Itoobiya iyo Somaliland waa laba dal oo walaalo ah, wax colaad ahi kama dhaxayso. Itoobiya waxa ku nool qoysas badan oo reer Somaliland ah oo si sharci ah ku jooga, sidoo kale Somaliland waxa ku nool dad badan oo Itoobiyaan ah oo sharci ku jooga,” ayuu yidhi afhayeenka booliisku.
Waxa uu intaas ku daray in dadka sharci-darrada ku jooga Somaliland ay arrintoodu u taallo hay’adaha dowladda ee ay khusayso, isla markaana aan la aqbali karin in qof shacab ahi gacanta ku qaato sharciga oo uu waxyeeleeyo qof Itoobiyaan ah.
“Baryahan dambe waxa muuqata in dhallinyaro is-uruursatay ay beegsanayaan dad gaar ah. Waxaan uga digayaa dhallinyaradaas in aanay sharciga gacantooda ku qaadan, balse ay dowladdooda u daayaan, hay’adaha ku shaqada leh dadka ajaanibka ah ee sharci-darrada ku soo gala dalka. Haddii lagu qabto waxay mutaysan doonaan ciqaab,” ayuu raaciyay hadalkiisa afhayeenka booliisku.
Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa sheegay in tallaabada dhallinyaradu qaadeen ay tahay mid aan Somaliland lagu aqoon isla markaana sharci-baalmarsan. Agaasimaha Horn Diplomat, Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in kooxdan dhallinyarada ah meel kale laga soo abaabulay si loo waxyeeleeyo xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya.
Somaliland ayaa kamid ah meelaha ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee Itoobiyaanka ahi, waxaana la sheegay in sababtu tahay amniga ay ka heleen. Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan ku wargelisay dadka Itoobiyaanka ah ee aan sharciga haysan in ay tagaan xarumaha sharciga lagu bixiyo si ay u helaan rukhsad ay Somaliland ku joogaan.