14.7 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Firdhiye iyo Cabdirisaaq Khaliif oo isugusoo haray tartanka doorashada maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, Agoosto 30, 2025 (HOL) – Wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Waqooyi Bari ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo labo musharax ay u soo gudbeen wareegga labaad.

Labada musharax ee u tartamaya wareegga labaad, kaasoo ah wareegga ugu dambeeya ee lagu kala baxayo, ayaa kala ah: hoggaamiyihii maamulkii kumeel gaarka ahaa ee SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye oo helay 36 cod, iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo helay 20 cod.

Wareegga koowaad waxaa ku haray musharixiinta kala ah, Jamaal Maxamed Xasan oo helay 15 cod, Maxamuud Yuusuf Xasan oo helay 8 cod, iyo Cabdirashiid Macalin Faarax Maxamuud oo helay 4 cod.

Wareegga labaad, oo ah cod hal dheeri ah, waxaa ku tartamaya Firdhiye iyo Cabdirisaaq Khaliif, waxaana musharaxii codadkiisu badnaadaan uu ku guuleysan doonaa madaxweynaha cusub ee maamulka Waqooyi Bari muddada shanta sano  ee soo socota.

Intii lagu guda jiray wareegga koowaad, Firdhiye ayaa Cabdirisaaq Khaliif ka horeeyay 16 cod. Si kastaba ha ahaatee, codadka musharixiinta kale ee ku haray wareegga koowaad ayaa noqon doona kuwa go’aamin kara natiijada wareegga labaad.

Hadda waxaa bilaabatay codaynta wareegga labaad, iyadoo xildhibaanadu u kala codaynayaan labada musharax ee iskusoo haray.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).