14.7 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maamulka Mandhera oo walaac ka muujiyay joogitaanka Ciidamada Jubaland ee dalkaasi

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, Agoosto 30, 2025 (HOL) – Guddoomiyaha Gobolka Mandera ee dalka Kenya, Maxamed Aadan Khaliif, ayaa si adag uga hadlay walaaca weyn ee la xiriira joogitaanka ciidamo ka tirsan Jubbaland gudaha Mandera, Isagoo ka hadlayay arrintaasi, wuxuu sheegay in joogitaanka ciidamadan ay khatar ku tahay madax-bannaanida dalka Kenya iyo nabadgelyada shacabka ku nool gobolkaas.

Guddoomiye Khalif wuxuu si cad ah shaaca uga qaaday in Arrintan aysan ahayn kaliya mid ku saabsan Mandera, balse waa mid khusaysa madax-bannaanida qaranka dalka Kenya, “Joogitaanka ciidanka Jubbaland ee Mandera waa mid aan la aqbali karin, waxayna khatar toos ah ku tahay nolosha dadkeena.” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamadaan ay kordhinayaan khatarta amni ee gobolka oo horayba ula tacaalayay dhibaatooyin la xiriira Weerarada Al-Shabaab, Khilaafaadka xuduudaha iyo Dagaalo isdaba joog ah oo xuduudka ka dhacaya

Waqti hore, Senator-kii hore ee Mandera, Billow Kerrow, ayaa si kulul u dhaliilay dowladda dhexe ee Kenya, isagoo sheegay in xiriirka Nairobi la leedahay Jubbaland uu wiiqayo ammaanka qaranka

“Xiriirka siyaasadeed ee Kenya la leedahay Jubbaland wuxuu hoos u dhigay amniga Mandera, Ma aha wax la aqbali karo in Mandera laga dhigo goob dagaal oo u dhaxeysa ciidamo Soomaali ah.”

Inkastoo hay’adaha ammaanka ee Kenya aysan weli si rasmi ah uga hadlin arrintan, haddana dadweynaha Mandera ayaa sii kordhinaya baaqyadooda ku aaddan in la caddeeyo, Sababta ciidamadan u joogaan gudaha Kenya, Xilliga ay baxayaan iyo Tallaabooyinka dowladdu qaadeyso iyo Xiriirka Kenya iyo Jubbaland.

Kenya waxay muddo dheer taageero siisay maamulka Jubbaland, iyadoo u aragtay inuu yahay xayndaab amni oo ka hortaga Al-Shabaab, Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa dhalisay muran gudaha dalka Kenya ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).