
Howlgalkan ayaa la tilmaamay in lagu beegsaday fariisimo maleeshiyadka Al-shabaab ku lahayeen duuleedka degmada Maxaas, islamarkaana lagu burburiyay goobo gabaadyo u ahaa maleeshiyida.
Taliska Guutada 5-aad qaybta 27-aad Maxamuud Ibraahim Xasan Baakaay iyo Korneyl Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa si wadajir ah u hoggaaminaayay ciidamada iskaashanaya ee howlgalka ka fuliyay duuleedka Maxaas.
Howlgalkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ciidamada is garabsanaya ka fuliyaan nawaaxiga Maxaas tan iyo markii kooxdu la wareegtay Maxaas 27-kii bishii lasoo dhaafay.
Saraakiisha Militeriga dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa Macawiisleyda Hiiraan ayaa wada dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Al-shabaab oo lagu doonayo in ciidanka ay dib ula wareegaan magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka Hiiraan sida Maxaas iyo Moqokori.