13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Sen. Ted Cruz: “Waxa jirta fursad dhab ah oo uu Trump ku aqoonsan karo Somaliland hadda”

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, Agoosto 29, 2025 (HOL) – Warbixin uu daabacay telefishinka Fox News ayaa sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu tixgelinayo qorshe istiraatiiji ah oo Afrika ku wajahan, kaas oo lagu doonayo in lagu yareeyo saameynta Shiinaha iyo Ruushka isla markaana lagu xakameeyo kooxaha argagixisada. Qorshahan ayaa Somaliland ka dhigaya xudun muhiim ah oo Maraykanku uu ku yeelan karo saldhig ciidan iyo dhaqaale oo cusub.

Fox News ayaa xustay in Somaliland, oo ku taalla koonfurta Gacanka Cadmeed, ay Maraykanka u soo bandhigtay fursad saldhig badeed iyo mid cir, haddii si rasmi ah loo aqoonsado madax-bannaanideeda. “Somaliland waxa ay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991, waxayna weli ku jirtaa raadinta aqoonsi caalami ah.”

Warbixinta ayaa tilmaantay in 30% maraakiibta xamuulka caalamiga ah ee isticmaala Kanaalka Suways ay maraan biyaha Somaliland, taas oo muujinaysa muhiimadda istiraatiijiga ah ee goobtan.

Madaxweyne Trump, oo Aqalka Cad lagu waydiiyay su’aal u dhignayd waxa uga qorshaysan aqoonsiga Somaliland 8-dii August, ayaa yidhi: “Arrintaas hadda eegaynaa.”

Dhanka kale, Senator Ted Cruz oo guddoomiye ka ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Afrika ee Senedka Maraykanka, isla markaana kamid ah ragga ugu culus ee dabada ka riixaya aqoonsiga Somaliland, oo waraysi siiyay Fox News ayaa sheegay in ay jirto fursad dhab ah oo Trump uu ku aqoonsan karo Somaliland inta uu xilka hayo. “Waxa jirta fursad dhab ah oo uu Trump ku aqoonsan karo Somaliland hadda”

Cruz ayaa ku dooday in Somaliland ay noqotay xulafo la isku halayn karo oo Maraykanka iyo xulafadiisa caalamku ay ku leeyihiin Afrika, isaga oo ku tilmaamay in aqoonsigeedu uu qayb ka noqon karo siyaasadda cusub ee Trump ee ku aaddan amniga qaranka.

Ted Crus ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland, inkastoo ay tahay dal 99% Muslim ah, ay si muuqata uga guulaysatay xagjirnimada, isla markaana ay doonayso in ay iskaashi la samayso Maraykanka iyo Israa’iil. Cruz ayaa ku tilmaamay arrintaasi mid muujinaysa “geesinimo weyn” iyadoo gobolka uu yahay mid khatar badan.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdirahmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa bishii May u sheegay wargeyska The Guardian in aqoonsiga Somaliland uu yahay “arrin waqtiga ku xidhan” isaga oo ku daray: “Ma aha Somaliland mala aqoonsan doonaa balse waa goorma.”

Dekedda Berbera iyo garoonka diyaaradaha ee ku xiga ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin hantida ugu qiimaha badan ee Somaliland. Dekeddaasi oo ku dhow marinka muhiimka ah ee Badda Cas ayaa noqon karta saldhig istiraatiiji ah oo uu Maraykanka ku yeesho awood ciidan oo ay kaga hortagaan kooxaha Houthiyiinta iyo Al-Shabaab.

Cruz ayaa dhawaan ka codsaday Trump in uu Somaliland aqoonsado, isaga oo sheegay in Somaliland ay si weyn uga qayb qaadato hawlgallada la dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeednimada, isla markaana ay leedahay ciidamo tababaran oo u diyaarsan iskaashi caalami ah.

Si kastaba ha ahaatee, Aqalka Cad weli kama jawaabin arrinta aqoonsiga. Hase yeeshee, taageerada uu muujiyey Senator Cruz iyo hadalladii Madaxweyne Trump ayaa Somaliland u muujiyey rajo cusub, taas oo bulshada iyo hoggaankuba ay aaminsan yihiin in aqoonsi rasmi ah uu hadda laga gaadhi karo sida Fox News sheegtay.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).