13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maraykanka oo joojiyay duqeymaha ka dhanka ah Daacishta ku sugan Togga Baalade

- Advertisement -spot_imgspot_img
Jimco, Agoosto 29, 2025 (HOL) – Dowladda Maraykanka ayaa joojisay duqeymaha cirka ee ka socday gudaha togga Baallade, isagoo ka cararaya khasaaraha rayidka ah, kaddib markii la ogaaday in haween iyo carruur ku sugan yihiin aagga bartilmaameedkooda. 

Go’aankan ayaa yimid xilli hawlgallo wadajir ah ay wadeen ciidamada Puntland iyo Maraykanka oo muddo toddobaadyo ah ka socday buuraha Calmiskaad, halkaas oo Daacishta Soomaaliya (ISS) ay saldhigyo ku leeyihiin.

Inkasta oo ay duqeymuhu istaageen, dagaallo culus ayaa qarxay 27-kii Agoosto, kaddib markii kooxda Daacish ay fuliyeen weerar ismiidaamin ah oo ay ku qaadeen ciidamada ammaaka Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay dileen lix ka mid ah dagaalamayaasha ismiidaaminta, balse weerarrada ISS ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 23 askari oo ciidamada kamid ahaa Puntland ah intii u dhaxeysay 25 ilaa 27-kii Agoosto.

Warbixinno sirdoon ayaa muujinaya in hawlgallada isdaba-jooga ah ee Puntland iyo Maraykanka ay bartilmaameedsadeen hoggaanka sare ee ISS, oo ay ka mid yihiin saraakiil xiriir dhow la leh ISIS caalamka, sida ku-xigeenka hoggaamiyaha ISS, Ciise Fahiye, iyo hoggaamiyaha guud ee ISIS ee caalamka, Cabdulqaadir Muumin, oo loo malaynayo inuu wali ku dhuumaaleysanayo buuraleyda Puntland.

In kasta oo ciidamada Puntland iyo Maraykanka ay tan iyo horraantii 2025 wiiqeen awoodda dagaal iyo dhaqaale ee ISS, haddana kooxda ayaa wali awood u leh inay fuliyaan weerarro dhimasho leh. 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).