13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Golaha Wasiiradda oo maanta ansixiyay heshiisyo Xukuumadda la saxiixatay dalalka kala ah Urdun, Qadar iyo Pakistan

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Khamiis, Agoosto 28, 2025 (HOL) – Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ansixiyay heshiisyo dhanka difaaca ah oo Soomaaliya la saxiixatay dalalka kala ah Urdun, Qadar iyo Pakistan.

Kulanka Todobaadlaha ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa maanta shir guddoominayey Raysal wasaare ku xigeenka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.

Heshiisyadaan Golahu ansixiyeen ayaa la tilmaamay in muhiim u yihiin dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa hor keenay heshiisatadaan Golaha Wasiiradda, islamarkaana uga warbixiyay hanaanka loo maray iyo waxyaabaha Soomaaliya ka faa’iidi karo.

“Heshiisyada is-afgarad ee uu goluhu ansixiyey ayaa kala ah, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha.

Waxaa sidoo kale kulanka Golaha Wasiiradda maanta looga hadlay xaaladda amniga guud ee dalka iyo howlgalada dalka ka socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).