Saraakiisha ayaa sheegay in Ciidamada ay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanno istaraatiiji ah oo horey u ahaan jiray saldhigyo muhiim u ah kooxda Al-Shabaab sida degaanada Macalinka, Baladul Amiin, Cumar Beere, iyo Balow.
Afhayeen u hadlay ciidamada milatariga ayaa sheegay in ciidamada Gorgor ay muujiyeen karti, xirfad, iyo geesinimo inta lagu guda jiray howlgalkan, isagoo xusay in guushan ay astaan u tahay dadaallada joogtada ah ee dowladda federaalka iyo ciidamada qalabka sida ay ugu jiraan sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada.
Intaa kadib, injineerada milatariga ayaa bilaabay hawlgallo nadiifin ah oo lagu baarayo lana saarayo miinooyinka culus ee ay ka tageen dagaalyahannada Al-Shabaab, si dadka deegaanka loogu soo celiyo nolol nabdoon oo amni leh.
“Tani waa tallaabo muhiim ah oo ku wajahan ciribtirka qatarta Al-Shabaab ee gobolka, Ciidamadeennu waxa ka go’an sugidda nabadda iyo xasilloonida si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan deegaannadooda si nabad ah.” ayuu yiri afhayeenka.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa todobaadyadii la soo dhaafay noqday goob ay si xooggan uga socdaan howlgallada milatari ee lagu bartilmaameedsanayo fariisimada iyo saldhigyada ay kooxda Al-Shabaab weli ku leedahay qaybo ka mid ah dalka.