
Ciidamadaan is kaashanaya ayaa buux dhaafiyay deegaano ku dhadhaw degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayso kooxda Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa iyo kuwa Macawiisleyda Hiiraan ayaa isla gartay in la xoojiyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii kooxda looga xureyn lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Hiiraan.
Abaabulkaan ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa kusoo aadaya, iyadoo maleeshiyaadka Al-shabaab mudooyinkii lasoo dhaafay ay isku balaariyaneen deegaanada ka tirsan Hiiraan, gaar ahaan kuwa hoostaga Buula burte, Maxaas iyo Moqokori.
Tan iyo markii ay dhawaan kooxdu si rasmi ah ula wareegtay magaalooyinka Maxaas iyo Moqokori ee gobolka Hiiraan waxaa inta badan deegaanada gobolka Hiiraan ka socday kulamo iyo abaabulo dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo markale dib gacanta ugu dhigtay deegaano iyo degmooyin 2 sano ka hor laga xureeyay.