12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Madaxweyne Deni iyo danjire James Swan oo kawada hadlay khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, Agoosto 26, 2025 (HOL) – Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Den. Kulankan ayaa diiradda lagu saarayay arrimaha amniga, xaaladda bani’aadantinimo iyo horumarinta, iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in wadahadalladu ahaayeen kuwo dhinacyo badan taabanaya, oo ay ku jiraan dagaalka Daacish iyo doorka Puntland iyo Dowlad goboleedyada kale ay ku leeyihiin nabadda iyo dowlad dhiska.

James Swan wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda midnimo iyo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, isaga oo sheegay in khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay hor istaagi karaan is-afgarad qaran.

Wuxuu sidoo kale sheegay in arrimaha la xiriira wax ka beddelka dastuurka iyo habka doorashada 2026 loo baahan yahay in xal siyaasadeed oo ay ku wada heshiiyaan dhinacyadu lagu gaaro.

Danjire James ayaa horey ula soo kulmay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo ka wada hadlay baahida loo qabo midnimo iyo wadahadal loo dhan yahay oo dhex mara hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya iyo madaxda dowlad-goboleedyada

Soomaaliya oo ku jirta marxalad kala guur ah ayaa khilaafaadka siyaasadeed ee jira halis ku noqon kara dib-u-heshiisiinta iyo diyaarinta doorashooyinka soo socda.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).