
Qaraxaan oo ahaa miinada nooca meelaha fog fog laga hago ayaa lasoo wariyay inuu qabsaday mid ka mid ah kolanyada gaadiidka ah oo ay wareen ciidanka Itoobiya, islamarkaana uu khasaare kasoo gaaray ciidamada Itoobiya.
Qaraxa kadib ciidamada ayaa furay rasaas xoogan waxayna sidoo kale ay xayireen dhaqdhaqaaqa wadada iyo isku socodkeeda, inkastoo saacado kadib ay isaga tageen goobta lagu qarxiyay.
Maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab oo sheegtay masuuliyada qaraxa ayaa shaaca ka qaaday inay ku dileen ugu yaraan 3 askari oo Itoobiyaan, kuna dhaawacdeen 4 askari oo kale.
Waxaa sidoo kale maleeshiyada Al-shabaab qoraalkeeda ku sheegtay inay gubeen mid ka mid kolonyada gaadiidka oo ay wateen ciidamada qarxiyay, gaar ahaan gaariga uu haleelay qaraxa.
Ugu dambeyntii majirto ilaa iyo hada wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Itoobiya iyo kan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee gobolka Bakool oo ku aadan qaraxa khasaraaha geystay ee lala eegtay kolonyada ciidanka Itoobiya.