safiirka Ethiopia ee Ankara ayaa sheegay in inkastoo wareegga labaad ee wada-hadallada farsamo aan weli la qaban, haddana xiriirka labada dal uu weli wanaagsan yahay. Waxa uu rajo ka muujiyey in wada-xaajoodyadu sii socon doonaan, isla markaana aanay jirin sabab ay u istaagaan.
“Ma jiraan taariikh rasmi ah oo la isla oggolaaday wareegga labaad ee wada-hadallada farsamo,” ayuu yidhi. “Waxaan aaminsannahay in Heshiiska Ankara uu weli shaqeynayo.”
Safiirku waxa uu xusay in wada-hadallo hore uga dhaceen heer hoggaamiye iyo heer wasiir, isagoo carrabka ku adkeeyey in magacaabista safiirka cusub ee Itoobiya u fadhiya Muqdisho ay calaamad u tahay xiriir caafimaad qaba oo ka dhaxeeya labada dal.
Waxa uu intaas ku daray in Heshiiska Ankara uu door weyn ka qaatay fududeynta wada-hadallo nabadeed, isla markaana dhinacyadu muujiyeen ballanqaadkooda ku aaddan nabadda gobolka, taas oo uu ku rajo weyn yahay inay horseedi doonto xiriir miro dhal ah oo lagu sii wado wada-xaajoodyada.
Waxa uu ammaanay doorka Türkiye ee ku aaddan ilaalinta nabadda iyo amniga Geeska Afrika, isagoo xusay in Heshiiska Ankara uu ka dhashay wada-hadallo uu dhexdhexaadiyey Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdoğan.
Waxa uu sheegay in tan iyo markii Itoobiya heshiis la gashay Somaliland bishii Janaayo 2024, si ay u isticmaasho dekedda Berbera ee Badda Cas, Türkiye ay dadaal ugu jirtay xallinta xiisadda ka dhex aloosan labada dal.