14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, Agoosto 24, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare kala duwan geystay oo maanta ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay askar ka tirsan ciidanka dowladda oo marayay meel u dhaw barkoontarool oo ku taala xaafada Suuqa Xoolaha.

Inta la xaqiijiyay qaraxaan waxaa ku dhintay hal ruux oo shacab ah oo maraayay wadada, waxaana ku dhaawacnay laba askari oo ka mid ahaa ciidanka qaraxa lala beegsaday.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa sidoo kale howlgal kooban sameeyay goobta, iyagoo xiray mudo saacad ku dhaw isku socodka iyo dhaqdhaqaaqa wadada isku xirta Soos iyo Suuqa Xoolaha, inkastoo mudo kadib ay dib u fasaxeen isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amaanka oo ku aadan weerarka qaraxa ah iyo howlgalka xigay oo ay sameeyeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii qaraxaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay sidaan oo kale uu qarax khasaare kala duwan geystay uga dhacay deegaanka Jabad Geelle oo ka mid ah deegaanada  hoostaga Ceelasha Biyaha ee dhacda duleedka magaalada Muqdisho. 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).