14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Diyaaradaha Maraykanka oo duqeymo culus ka geystay godadka Daacish ee togga Baallade

- Advertisement -spot_imgspot_img
Sabti, Agoosto 23, 2025 (HOL) – Maraykanka ayaa caawa mar kale duqeymo culus ka fuliyay talisyo ay kooxda Daacish ku lahaayeen togga Baallade, gaar ahaan godad ku yaalla deegaanka Maraagade oo ay ciidanka Puntland ku adkaatay inay ka saaraan firxadka Daacish.

Duqeymaha ayaa socday dhowr saacadood, waxaana diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku beegsadeen aagag kala duwan oo aan sidaas uga fogayn fariisimaha ay ciidanka Puntland joogaan.

Qaar ka mid ah duqeymaha ayaa dhawaaqooda laga maqlayay deegaanno ku dhow magaalada Boosaaso, oo masaafo kooban u jirta togga Baallade, halkaas oo weli ay ku dhuumanayaan xubno ka tirsan Daacish.

Warar cusub oo aanu helnay ayaa tilmaamaya in diyaaradaha Maraykanka ay sidoo kale duqeeyeen aag cusub oo ku yaalla togga Biyo Kulule, kaddib markii saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ay sheegeen in halkaas lagu arkay dagaalyahanno Daacish ah oo gabbaad ka dhigtay.

Dhanka kale, ciidamada Puntland oo shalay khasaare culus kasoo gaaray dagaalkii Maraagade, ayaan maanta wax tallaabo ah qaadin, iyadoo hay’adaha amnigu ay ka fiirsanayaan sidii gudaha loogu gali lahaa godadka ay Daacish ku dhuumaaleysanayaan, iyada oo si weyn looga taxadarayo khasaaraha ka dhalan kara.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu amar ku bixiyay in ciidanku aysan dhaqaaqin illaa amar dambe. Waxaa la isku afgaartay sida aan wararka ku helnay in duqeymaha Maraykanka lagu burburiyo godadka kooxda Daacish ku dhuumaneyso.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).