
Howlgalkan sifeynta ah ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Garas-gamaan, Xinshiloole, iyo Waneey, kuwaas oo ku yaalla inta u dhaxaysa gobolka Baay iyo Bokool, una jira qiyaastii 40km magaalada Waajid ee gobolka Bokool.
Dhamme Onkod Macallin Aadan, oo ah Taliyaha Ururka 45-aad ee Guutada 8-aad, ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka uu guul ku soo dhamaaday.
Waxa uu sheegay in ciidanku si guul leh uga hortageen falal khatar ah oo ay maleegayeen Al shabaab, kuwaas oo doonayay inay khal-khal galiyaan xasiloonida deegaannadaasi.
“Ciidanku waxay fashiliyeen dhagar ay Al shabaab qorsheynayeen, Ujeeddadeennu waa sifeynta guud ee deegaannada, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan amni buuxa,” ayuu yiri Dhamme Onkod.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan dalka oo dhan, si loo xoreeyo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Al shabaab loona sugo amniga shacabka Soomaaliyeed.