14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ku dhawaad 20 askari oo katirsan Ciidanka Puntland oo ku geeriyooday dagaal ka dhacay togga Baallade

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, Agoosto 22, 2025 (HOL) – Ku dhawaad 20 askari oo katirsan Ciidanka Puntland ayaa ku geeriyooday, in ka badan 30 kalena way ku dhaawacmeen, kaddib dagaal culus oo muddo saacado ah socday oo ka dhacay Ceelka Maraagade oo katirsan togga Baallade, halkaas oo ah mid kamid ah fariisimaha ugu weyn ee Daacish.

Dagaalkan ayaa ahaa dagaalkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca buuraha Calmiskaad tan iyo bilooyinkii u dambeeyay, sida ay sheegeen saraakiil amni oo la hadlay HOL.

Khasaaraha ciidamada Puntland soo gaaray ayaa yimid kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhig weyn oo la aaminsan yahay inuu yahay mid kamid ah xarumaha hubka iyo saadka ee kooxda Daacish ku leedahay gobolka Bari.

Dagaalka ayaa istaagay gabbal dhicii caawa. Ciidamada Puntland ayaa ku hareeraysan Ceelka Maraagade, iyadoo wararku sheegayaan in halkaasi ay ku go’doonsan yihiin dumar iyo carruur badan oo ah qoysaska xubnaha Daacish.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland oo la hadlay HOL ayaa sheegay in goobaha la gaaray ay yihiin kuwii ugu dambeeyay ee ay Daacish ku sugnaayeen, ayna ku rajo weyn yihiin in si buuxda loo soo afjaro maalinta berri ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).