16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Wasiir Fiqi oo uga digay Mucaaradka inay isku dayaan inay hub kala hortagaan Dowladda

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, Agoosto 22, 2025 (HOL) – Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag u weeraray qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dalka, isaga oo uga digay in aysan isku dayin inay ku kacaan abaabul ciidan ama hubeysan.

Hadalkan ayaa yimid xilli ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo cakiran, kadib markii wada-hadallo dhowaan Muqdisho ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay guuldareysteen.

Wasiirka ayaa si gaar ah u magacaabay madax hore oo dalka soo hoggaamiyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad

Fiqi ayaa ku eedeeyay siyaasiyiintan inay hurinayaan khalkhal siyaasadeed, isla markaana ay suurtagal tahay inay wadaan qorshayaal ciidan oo wax u dhimi kara amniga dalka. 

Waxa uu sheegay in haddii ay isku dayaan abaabul ciidan ama kicin bulsho, dowladda aysan ka labalabeyn doonin inay tallaabo adag ka qaaddo.

“Waa in aysan ku fakarin inay hub u qaataan Dowladda si ay u cabsi geliyaan dowladda ama shacabka, Qof kasta oo isku daya arrintaas, wuxuu la kulmi doonaa awoodda sharciga iyo ciidan Qaran,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Hadalkan ayaa daba socday kadib markii uu fashil ku dhammaaday kulankii siyaasadeed ee dhowaan ka dhacay Muqdisho, kaasoo lagu doonayay in xal laga gaaro khilaafaadka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Mucaaradku waxa ay cabasho ka muujiyeen hanaanka doorashada ee la filayo, maamulka doorashooyinka, iyo doorka dowlad-goboleedyada.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadeed waxay aaminsan yihiin in hadalka Fiqi uu yahay isku day lagu cabsiinayo mucaaradka si ay uga waantoobaan abaabulka siyaasadeed ee ay wadaan, Halka kuwa kalena ay rumeysan yihiin in ay jirto cabsi dhab ah oo la xiriirta suurtagalnimada in mucaarad hubeysan uu kusoo laabto siyaasadda Soomaaliya, taas oo waayaha dhow ay dalka marar badan horey ugu dhaceen.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).