
Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, Hawlgalka ayaa kusii fidaya dhul istiraatiiji ah oo ay kooxda Daacish ku aasi jireen hubkooda iyo kaydkooda dagaalka.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ciidanku aroornimadii hore ka saareen kooxda Daacish godadkii ay gabaadka ka dhiganayeen, isla markaana ay ka go’an tahay in gebi ahaanba la soo afjaro kooxaha firxadka ah ee halkaas ku dhuumaalaysanaya.
Ciidanka Puntland ayaa shalay sidoo kale la wareegay ceelasha Carabi, Buur Gunburi, God-gudban iyo dhulka sare ee Maraagane, halkaas oo ay Daacish uga tageen maydad dagaalamayaal, xoolo iyo agabyo kale.
Ciidamada Puntland waxaaa howlgalkan kala qeyb qaadanaya diyaaradaha dagaalka oo si joogto halkaas uga howlgalla, kuwaas oo ku taageeraya duqaynta goobaha looga shakiyo inay isku urursanayaan Daacish.
Daacish ayaa haatan ku hartay goobo aad u kooban, iyagoo ciidamada Puntland ay ku hareeraysan yihiin. Madaxweyne Deni ayaa ku wargaliyay saraakiisha ciidanka inay howgalka kusoo afjaraan illaa bisha September, si loo bilaabo holwgalka Calmadow.