
Go’aankan wuxuu khuseeyaa 82 qof oo doonayay inay fiiso helaan, balse weli waxaa suurto gal ah in loo diido inay gudaha u soo galaan Mareykanka marka ay yimaadaan garoomada ama shirkadaha diyaaradaha loo diro amar ah in aanay soo qaadin.
Garsooraha ayaa sheegtay in sharciga uu Trump ku salleeyay mamnuucidda uusan siin Wasaaradda Arrimaha Dibadda awood ay fiiso ku diido, inkastoo weli la celin karo dadka marka ay yimaadaan.
Dacwadda waxaa gudbiyay dad ka kala yimid Afghanistan, Burma, Togo, Soomaaliya iyo Iiraan oo ku guuleystay barnaamijka diversity visa.
Qareenka dacwadda, Curtis Morrison, ayaa sheegay in go’aanka uu yahay horumar yar, inkastoo aanu dadkaasi weli siin fursad ay ku galaan Mareykanka.
Bishii la soo dhaafay, garsoore federaal ah oo ku sugan Seattle ayaa xukumay in mamnuucidda socdaalka ee ugu dambaysay ee Trump aan loo adeegsan karin in lagu hor istaago qaxootiga xaqa u leh inay galaan Maraykanka, taasoo ka dhalatay amarro hore oo lagu muransanaa maxkamadihii la xiriiray hakinta gelitaanka qaxootiga ee Trump.
Si kastaba ha ahaatee, maxkamad rafcaan federaal ah ayaa dhowr maalmood ka dib hakisay xukunkaas.