16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Qarax Miino oo Ka Dhacay Deegaanka Jabad Geelle ee duleedka magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img
 

Khamiis, Agoosto 21, 2025 (HOL) – Qarax miino oo lala beegsaday gaari ay la socdeen odayaal caan ah ayaa ka dhacay deegaanka Jabad Geelle, oo hoos yimaada Ceelasha Biyaha, duleedka magaalada Muqdisho, Qaraxa ayaa ka dhacay xilli uu gaarigu marayay waddo ka mid ah jidadka deegaankaasi, waxaana la sheegay in miinada loogu aasay hareeraha waddada.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in gaariga la qarxiyay ay saarnaayeen odayaal dhul cabirayaal ah, kuwaas oo ka shaqeynayay arrimo la xiriira cabbirka dhulal ku yaalla gobolka, Qaraxa ayaa sababay burbur weyn oo gaaray gaariga, iyadoo si degdeg ah loola cararay kuwa kale oo dhaawacyo ay kasoo gaareen.

Inta la xaqiijiyay, waxaa qaraxa ku dhintay labo nin oo odayaal ah, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Cali Kadawe, Maxamed Cumar, Sidoo kale, askari la socday labada oday ayaa la sheegay in uu dhabarka jab culus kasoo gaaray, waxaana loo qaaday xarun caafimaad si loogu dabiibo.

Qaraxa kadib, ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo Nabad Sugidda (NISA) ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, Ciidamada ayaa sameeyay howlgallo amni, inkastoo aan weli la shaacin wax natiijo ah oo ka soo baxay Howlgalkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay, qaraxyada miinooyinka ee lagu aaso waddooyinka hareerahooda ayaa aad hoos ugu dhacay, marka loo eego sanadihii hore, Qaraxan cusub ayaa cabsi iyo walaac ku beeray dadka deegaanka, iyadoo wali aan la ogeyn cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarkan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).