
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa ninkan horey usoo bandhigay, isagoo ahaa mid kamid ah laba dagaalame oo ajnabi ah oo katirsan kooxda Daacish (ISIS), kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen qaraxyo iyo howlgalada kooxda Daacish ka fulisay gobolka Bari.
Muthar Hamid Qaayid, oo u dhashay dalka Yemen, ayaa la sheegay inuu badda kaga soo gudbay Yemen kuna soo galay degaanada Puntland, isagoo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa labo nin oo isku diyaariyay qarax ka dhaca bartamaha magaalada Bosaso.
newsinsidMarkii wax laga weydiiyay inuu ka qoomameeyay ku biiristiisa kooxda Daacish, waxa uu si qosol ku jiro ugu jawaabay: “Waxba kama qoomameynayo. Haddii xitaa hadda la i toogto ama la ii xiro, waxba kama qoomameynayo. Waxaan sugayaa dhimashada.”
Qaayid ayaa sheegay in qoyskiisa aanu jeclayn Daacish, balse isaga uusan wax ka fikirin xaaladda uu ku jiro.
Dagaalame labaad oo lagu magaacaabo Usman Bukukar Bin Fuad oo u dhashay Morocco ayaa sheegay in lagu khiyaameeyay soo aadistiisa Soomaaliya, isagoo sheegay inuu Soomaaliya u yimid lacag raadis balse halkii uu ka shaqaysan lahaa lagu khasbay inuu ka mid noqdo kooxaha Daacish ee ku sugan buuraha Puntland.
“Waxay igu yiraahdeen lacag ayaad sameynaysaa, laakiin waxaan ku dambeeyay inaan qodo godad iyo buuro. Markii ay igu amreen inaan xirto jaakad qarax ah si aan isu qarxiyo, waan diiday, kadibna waan ka cararay,” ayuu yiri.
Inkasta oo uu ku dooday inuusan waligiis dagaal galin, haddana saraakiisha Puntland ayaa rumaysan in hadalladiisu aysan run ahayn.
Waxay sheegeen in hub la siiyay, tababarna uu ka qaatay toogashada fog iyo khariidado akhrinta, ka hor intii aan weerarkii Puntland bishii December bilaaban.
Fuad ayaa sheegay inuu marar badan la kulmay hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, Abdul Qadir Mumin, oo uu sheegay inuu weli nool yahay dhowaanahan.
Ninkaan ayaa sheegay in ujeeddada Daacish ay tahay in y xukunto dunida,” iyagoo qorsheeyay inay ka bilaabaan gobolka, kadib Itoobiya iyo meelo kale oo caalamka ah.