16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xilkii ka Qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, Agoosto 20, 2025 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Bashiir Macalin Cali, isagoo xilkaas u magacaabay Cumar Cali Afrax.

Go’aankan ayaa yimid kaddib cabashooyin iyo warbixino laga helay hay’adaha dowliga ah iyo shaqaalaha wasaaradda, kuwaas oo muujinayay in Bashiir Macalin uu sameeyay qaladaad la xiriira maamul xumo, is-hortaag howlaha muhiimka ah ee wasaaradda, iyo amar diidooyin ku wajahan Ra’iisul Wasaaraha.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ah mid ka mid ah hay’adaha muhiimka u ah dhaqaalaha dalka, iyadoo kormeerka iyo horumarinta duulista hawada, dekadaha cirka, iyo gaadiidka guud ay door weyn ku leeyihiin kobcinta dakhliga dowladda. 

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo dowladda ku dhow, Agaasime Bashiir waxaa lagu eedeeyay inuu carqaladeeyay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee laga sugayay wasaaradda, taas oo keentay hoos u dhac ku yimid waxqabadka guud.

Sidoo kale, Bashiir ayaa lagu eedeeyay hadallo deel-qaaf ah oo ku wajahan madaxda sare ee dalka iyo aflagaado ku saleysan qabiil, gaar ahaan beelaha dega Koonfur Galbeed., Tani ayaa dhalisay dhaleeceyn ballaaran iyo dareen diidmo ah oo ka dhashay bulshada rayidka ah iyo siyaasiyiinta deegaanadaas.

Magacaabista Cumar Cali Afrax ayaa laga filayaa in ay keento nafis cusub oo ku yimaada shaqada wasaaradda, iyadoo la rajeynayo inuu dib u habeeyo hay’adda, isla markaana sare u qaado isla xisaabtanka, wax-soo-saarka, iyo daahfurnaanta.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).