16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jaray mashaariic laga hirgaliyay Caasimadda Galmudug

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Arbaco, Agoosto 20, 2025 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo madaxweynaha maamulka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa maanta si wadajira xarigga uga jaray xarumo laga hirgeliyey Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn xariga ka jaray xarunta cusub ee Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Galmudug oo si casri ah loo dhisay, isagoona khudbad bogaadin ah ka jeediyey Kalfadhiga 12-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug.

Wuxuu sidoo kale madaxweynaha xarigga ka jaray xarunta dowladda hoose ee degmada Dhuusamareeb oo si qurux badan loo qaabeeyey, taasoo bixin doonto adeegyada aasaasiga ah.

“Maanta Galmudug waxa ay maraysaa meel wanaagsan oo ay tusaale ugu noqon karto Dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Farxad bay ii tahay in aan goob joog u noqdo qorsheynta iyo fulinta mashaariicdan, kuwaas oo wax badan ka beddeli doona horumarinta iyo adkaynta maamulka Dowlad-goboleedka Galmudug” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Gabagabadii Madaxweynaha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray Xarunta Shaybaarka Tayada Dhismaha ee Jidadka, kaasoo lagu hubin doono tayada dhismayaasha iyo wadooyinka la hirgelinayo, si loo xaqiijiyo iney waafaqaan heerarka la aqoonsan yahay.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).