11.1 C
London
Thursday, October 9, 2025

Dowladda Fedaraalka oo soo bandhigtay ciidan loo diyaariyay dib u xureynta degmada Aadan Yabaal

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, Agoosto 2, 2025 (HOL) – Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa wada abaabulka qorshe culus oo ay ku dooneyso iney markale dib kula wareegto gacan ku heynta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. 

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa deegaanka Garasweyne kula hadlay ciidamadii ugu badnaa oo loo qorsheeyay iney kooxda Al-shabaab ka xureeyaan degmada Aadan Yabaal iyo deegaanada kale oo ay ka sugan yihiin Shabeellaha Dhexe.

Ciidankan lagu soo bandhigay deegaanka Garasweyne ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la tilmaamay iney yihiin kuwa aad loo tababaray, islamarkaana ku qalabeysan agab casri ah oo loogu talagalay in lagu fuliyo howlgallo culus ee la xiriira la dagaalamka Al-shabaab iyo sugidda amniga.

Saraakiisha hoggaamineysa abaabulkaan waxay sheegeen inuu yahay mid qayb ka ah wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, kaasoo looga gol lee yahay in looga xoreeyo dhamaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaate howlgalkan ayaa lagu wadaa inuu bilaawdo maalmaha soo socda, waxaana si wadajir ah u fulin doono  ciidamada xoogga dalka, kuwa Booliiska iyo xoogaga dadka deegaanka.

Ugu dambeyntii abaabulkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo degmada Aadan Yabaal iyo degmooyin kale oo muhiim ah bilahii lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab si buuxdo ula wareegeen, sida Moqokori iyo Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).