16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Madaxweynayaashii hore ee dalka oo si kulul uga hadlay boobka dhulka danta guud

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, Agoosto 19, 2025 (HOL) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Cabdiqasim Salad Xasan, Sharif Sheikh Axmed, iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay uga digayaan Madaxweynaha hadda talada haya, Xasan Sheikh Maxamuud, tallaabooyinka lagu barakicinayo muwaadiniin danyar ah oo deganaa dhul dan guud.

Madaxweynayaashii hore ayaa si xooggan uga soo horjeestay isticmaalka qaldan ee hantida guud iyo ku tumashada xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyagoo si gaar ah uga hadlay dhulalka danta guud ee laga iibinayo rag ganacsata ah.

Waxay soo hadal qaadeen baahi loo qab Joojinta ku takrifalka dhulka dadweynaha iyo dhibaateynta dadka danyarta ah, In la dejiyo dadka la barakiciyey, si loo xaqiijiyo xuquuqdooda dastuuriga ah ee hoy ku filan iyo nolol sharaf leh, In hantida guud lagu celiyo gacanta dowladda, iyo haddii la bixinayo, in si sharci ah, hufan oo caddaalad ku dheehan tahay loo maro.

War-saxaafadeedkan ayaa imaanaya iyadoo ay isa soo tarayaan cabashooyinka ka imaanaya dad rayid ah oo laga raray guryahoodii, taasoo dhalisay dareen shacab oo xooggan iyo walaac ku saabsan sida loo maareynayo hantida qaranka.

Madaxweynayaashii hore waxay ugu baaqeen dowladda in ay muujiso masuuliyad qaran iyo ilaalinta xuquuqda dadka Soomaaliyeed, iyagoo xusay in dowladnimo dhisantu ku saleysan tahay caddaalad, ilaalinta dastuurka iyo u damqashada shacabka.

HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA
    

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).