
Tirada ugu badan ee kiisaska ayaa laga soo sheegay magaalada Gaalkacyo ee Mudug (178 xaaladood iyo 7 dhimasho), halka degmada Iskushuban ee gobolka Bari laga diiwaangeliyay heer dhimasho 5 dhimasho.
Faafitaanka iyo dhimashada ka dhalatay cudukan ayaa loo sababeeyay daryeel xumada caafimaad iyo helitaan la’aanta daawada diphtheria antitoxin, taas oo muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo maaraynta kiisaska iyo helitaanka daaweyn waqtigeeda ah.
Cudurku oo ah mid si fudud u faafo balse tallaal looga hortagi karo, ayaa si xawli leh ugu sii faafaya Puntland, taas oo cadaadis culus ku saartay nidaamka caafimaadka.
Intii u dhaxeysay Janaayo iyo Maajo 2025, kiisaska ayaa kordhay ilaa 18.2% marka loo barbardhigo toddobaadkii hore ee tirakoobka la sameeyay, waxaana kiisaska si joogto ah loo soo sheegayay muddo 27 toddobaad ah.
Masiibadan hadda taagan waxay salka ku haysaa dhacdooyin soo bilaabmay Janaayo 2023, markii Puntland markii ugu horreysay ay soo food saartay dib-u-soo-kicidda cudurka diphtheria.
Xaaladdii ugu horreysay waxaa la ogaaday kadib markii qof laga soo gudbiyey koonfurta dhexe ee Soomaaliya la dhigay Isbitaalka Weyn ee Mudug, waxaana isla toddobaadkaas geeriyooday ilmo kale. Isla sannadkaas kiisas hor leh ayaa ka soo muuqday gobollada Bari iyo Sanaag.