13.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga iyo masuuliyiin kale oo gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Isniin, Agoosto 18, 2025 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray furimaha hore ee dagaalka gobolka Shabeellaha Dhexe. 

Wafdiga uu hoggaaminaayo Wasiirka Gaashaandhiga ee maanta gaaray deegaanka Xaaji Cali ayaa waxaa ka mid ah Duqa Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamuud Xuseen Muungaab, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeye guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, Xildhibaan Cismaan Maxamed Xaadoole iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedka wafdigaan uu hoggaaminaayo Wasiir Fiqi ay u tageen deegaanka Xaaji Cali ayaa la xariirta dardar galinta dagaalka ka dhanka Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ka socda deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe. 

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku bogaadiyey guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab, isagoona faray saraakiisha ciidamada iney u diyaar garoobaan duulaan cusub oo ka bilaabanaya guud ahaan dalka.

Booqashada wafdigaan sare ay maanta ku tageen furimaha hore ee dagaalka ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga ay shaacisay in dowladda ay u diyaar garoowday howlgal cusub oo dalka looga xureynaayo Al-shabaab.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).