13.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Somaliland oo Turkiga ku eedaysay in uu farogelin ku hayo, waxayna u yeedhay Qunsulka Turkiga ee Hargeysa

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Isniin, Agoosto 18, 2025 (HOL) – Somaliland ayaa dowlada Turkiga ku eedaysay in uu ka shaqaynayo qorshe lagu khalkhalgelinayo, iyada oo ka biyo diiday kulan uu Safiirka Turkiga ee Soomaaliya la yeeshay Suldaan Abuubakar Wabar, oo dhawr jeer weeraro jabhadeed ka fuliyay gobolka Awdal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa u yeedhay Qunsulka Guud ee Jamhuuriyadda Turkiga ee Hargeysa, kadib markii uu soo shaacbaxay kulan Muqdisho ku dhexmaray Safiirka Turkiga iyo Suldaan Wabar, oo lagu eedeeyay in uu faraha kula jiro falal ka dhan ah Somaliland.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadan farogelin cad oo aan marnaba la aqbali karin. Sidaas awgeed, Dawladda Somaliland waxa ay si rasmi ah uga dalbatay Safiirka Turkiga inuu bixiyo sharaxaad degdeg ah oo lagu qanci karo, kuna saabsan sababta ku keliftay ficilladan la xidhiidha farogelin iyo carqaladaynta amniga Somaliland,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Somaliland waxay sheegtay in aanay marnaba aqbali doonin ficillo wax u dhimaya madax-bannaanideeda, amnigeeda, ama danaheeda gaarka ah, sida mar kale lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Suldaan Wabar ayaa sidoo kale maalmo ka hor magaalada Muqdisho kula kulmay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo barta X ku baahiyay sawir uu kula jiro Wabar ayaa yidhi: “Wakhtigii Awdal ayaa la gaadhay.” Qoraalkan ayaa dad badani u fasirteen in dowlada Soomaaliya qorshaynayso fal layskaga horkeenayo reer Awdal iyo Somaliland.

Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya ayaa marar badan martigeliyay
wadahadallo u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa, iyadoo xukuumadihii hore ee Somaliland ay dhawr mar ku eedeeyeen in uu maleegayo qorshayaal ka dhan ah Somaliland. HOL si madax bannaan uma xaqiijin karto eedeeymahaasi.

Lama oga sababta rasmiga ah ee wakhtigan keentay in Safiirka Turkigu uu qaabilo Suldaan Wabar, oo 10 sanno ka hor dhawr jeer weeraro ka fuliyay magaalada Boorama iyo gobolka Awdal, xiligaas oo uu madax ka ahaa jabhad kasoo horjeeday Somaliland.

Jabhadda Suldaanka oo ka koobnayd 57 dagaalyahan ayaa markii dambe isku dhiibtay ciidamada Somaliland, iyadoo hubka laga dhigay 15-ka Nofeembar 2015, halka Suldaan Wabar uu baxsaday.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).