
Muungaab oo Axaddii ka hadlayay munaasabad rasmi ah oo ka dhacday caasimadda, ayaa sheegay in ku dhawaad hal milyan oo qof ay isdiiwaangeliyeen, isaga oo carabka ku dhuftay in aysan jirin wax kiis ah oo la xiriira qof la khasbay.
“Waxaan rabaa inaan si cad u sheego qofna looma khasbin inuu isdiiwaangeliyo,” ayuu yiri duqa. “Shacabka Muqdisho iyaga ayaa siiskood ah u yimid, iyaga oo diyaar u ah inay doorashadooda ka qayb qaataan. Tani waa astaan muujinaysa horumar dimuqraadiyadeed.”
Hadalka Muungaab ayaa jawaab u ahaa eedeymo uga yimid qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo shacabka, kuwaas oo sheegay in ciidamada ammaanka la geeyay qaybo ka mid ah magaalada si ay cadaadis ugu saaraan dadweynaha inay isdiiwaangeliyaan iyadoo la sheegay in xitaa gaadiidka dadweynaha la joojiyay laguna khasbay dadka in la geeyo xarumaha isdiiwaangelinta.
Muungaab wuxuu eedeymahaas ku tilmaamay kuwo “siyaasadaysan” oo loogu talagalay in lagu wiiqo kalsoonida shacabka ee geedi-socodka doorasho ee hufan.