
Sarkaalkan ayaa magacabiisa lagu sheegay Xuseen Macalin Xasan (Magaalabeen), kasoo ay Wasaaradda Difaacu sheegtay inuu ka tirsanaa Al-shabaab mudo 15 sano ah.
Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in sarkaalkan uu kasoo howlgalay gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo, isagoona xilalka kala duwan soo qabtay.
“Dhagarqabaha la khaarajiyay Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen) wuxuu horay soo noqday:
* Madaxa howlgelinta dagaalka ee Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.
* Madaxa baadda xoolaha ee gobolka Bakool.
* Madaxa sirdoonka kooxda ee gobollada Labada Shabeelle iyo Hiiraan.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay sido kale cadeysay in howlgallada noocaan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa inta laga ciribtirayo kooxda guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhameystiran:-
