13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dowladda Fedaraalka oo diyaarisay nidaam casri ah oo looga hortagayo gaadiidka la baxsada Canshuurta

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, Agoosto 17, 2025 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa shaaciyay in dowladda ay diyaarisay qorshe looga hortagayo gaadiidka la baxsada Canshuurta.

Wasiir Biixi ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay keenay nidaam Kaamirooyin casri oo soo qaban doona gaadiidka aan bixin canshuurta, isagoona tilmaamay in nidaamkan uu qeyb weyn ka qaadan doono  casriyeynta hay’addaha dowladda Fedaraalka. 

Wuxuu sidoo kale xusay wasiirka in magaalada Muqdisho ay ka howl galaan in ka badan 60 kun oo gaadiid ah, hayeshee  kaliya ay diiwaan gashan yihiin 25 kun oo gaadiid.

“Waxaan soo wadna nidaam Kaamirooyinka magaalada ku xiran ay soo qaban doonaan gaariga aan canshuurta bixin ee la baxsada ” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Maaliyada ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka ay ku dadaaleyso casriyeynta adeegyada bulshada iyo sidii looga fogaan lahaa musuqa iyo isdaba marinta.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka iyo darawallada gaadiidka inay si buuxda ula shaqeeyaan nidaamka cusub, si looga wada faa’iidaysto adeegyada dowladda oo ku tiirsan canshuuraha shacabka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).