13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Xubno kasoo goostay Al-shabaab oo maanta lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, Agoosto 16, 2025 (HOL) – Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA qeybtooda ka howlgasha deegaanada Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo isa soo dhiibay.

Afarta dhalinyarada ah ee isku soo dhiibay gacanta dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si gaar ah uga tirsanaa waxa ay kooxdu ugu yeerto Jabhadaha, kuwaas oo kasoo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay meelo kala duwan oo ka mid ah gobolada dalka.

Xubnahaan waxay sidoo kale sheegeen in sababaha ay isku soo dhiibeen ay ka mid tahay nolosha duurka ah oo ku adkaatay iyo waliba dagaalada iyo duqeymaha culus ee ciidanka dowladda ka geysanayaan goobaha ay Al-shabaab gacanta ku hayso.

Waxa sidoo kale xubnahaan isa soo dhiibay ay ugu baaqeen saaxiibadooda kale ee wali ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab inay soo goostaan oo ay isku soo dhiibaan gacanta ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya. 

Si kastaba ha ahaate magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa marar kala duwan sidaan oo kale loogu soo bandhigay xubno badan oo kasoo goostay kooxda Al Shabaab, kuwaas oo loo sii gudbiyay xarumaha dhaqancelinta ee la geeyo xubnaha Al-shabaab kasoo goosta.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).