13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Somaliland oo Senator Ted Cruz uga mahadcelisay taageeradiisa aqoonsiga Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, Agoosto 15, 2025 (HOL) – Xukuumadda Somaliland ayaa u mahadcelisay Madaxa Guddi-hoosaadka Afrika u qaabilsan Golaha Senate-ka Maraykanka, Senator Ted Cruz, oo shalay warqad u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isaga oo ugu baaqay inuu aqoonsado Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ka mahadnaqay warqadda Senator Cruz oo ku yidhi: “Waxaan ku boorinayaa maamulkaaga inuu si rasmi ah u aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madax-bannaan, kuna dhisan xuduudaheedii 1960-kii” isaga oo la hadlayay Madaxweyne Trump.

Wasiirka oo jawaab toos ah ka bixiyay fariinta Senator Cruz ayaa sheegay in senatorku uu taageero hagar la’aan ah la garab taagan yahay dadaalka lagu doonayo in Somaliland ay noqoto qaran madaxbannaan.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa yidhi: “Aniga oo ku hadlaya afka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa Senator Ted Cruz taageeradiisa hagar la’aanta ah ee uu u muujiyay aqoonsiga Somaliland.”

“Fahankiisa xeesha dheer ee qaranimada Somaliland iyo raadinta aqoonsiga caalamiga ah, oo ay weheliso muhiimaddeenna istiraatiijiyadeed ee amniga iyo dhaqaalaha, waxay ka tarjumayaan waxa aanu ku tari karno caalamka.”

Faahfaahin waraaqda uu Senator Ted Cruz u qoray Madaxweyne Trump:

Senator-ka oo laga soo doorto gobolka Texas isla markaana ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee talada haya, ayaa sheegay in Somaliland ay sannadkii 1960-kii heshay xorriyaddeeda, ka dibna ay si ikhtiyaari ah ula midoowday Soomaaliya, balse ay ka noqotay midowgii sannadkii 1991. Intaa ka dibna ay ahayd qaran nabad ah, dimuqraadi ah, oo xukunka si nabad ah layskugu wareejiyo.

“Somaliland waxay kusoo baxday inay tahay saaxiib muhiim u ah iskaashiga diblomaasiyadeed ee Maraykanka, waxayna Maraykanka ka caawinaysaa kor u qaadidda danihiisa ammaanka ee gobolka Geeska Afrika iyo dibaddiisa,” ayuu yidhi Senator Cruz. “Waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah oo Gacanka Cadmeed ah, oo ku dhow mid ka mid ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan adduunka, waxayna leedahay ciidan awood leh oo ku filan la dagaalanka argagixisada iyo budhcad-badeednimada.”

Waxa uu warqaddiisa ku sheegay in Somaliland ay ku dhiirratay inay xidhiidh la samayso Taiwan, ay rabto inay xidhiidh la yeelato Israa’iil, isla markaana ay doonayso inay ku biirto Heshiisyada Ibraahiimiyada (Abraham Accords). Waxa uu intaa ku daray inay Maraykanka u soo bandhigtay saldhig milatari oo Berbera ku yaalla, iyo heshiis macdanta naadirka ah lagaga iibinayo Maraykanka.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay hadda cadaadis kala kulmayso cadowgeeda, oo uu ugu horreeyo Shiinaha, kaas oo adeegsanaya culays dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed si uu ugu qasbo inay xidhiidhka u jarto Taiwan. Waxa kale oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qayb ka tahay dadaallada ka dhanka ah Somaliland, iyadoo adeegsanaysa kooxo kasoo horjeeda Somaliland si loo wiiqo madax-bannaanideeda.

Wuxuu intaa ku daray in, dhammaan khataraha jira awgeed, haddana Somaliland u badheedhay inay sii xoojiso xidhiidhkeeda Maraykanka, isla markaana ay kor u qaadday iskaashigeeda milatari, la dagaallanka argagixisada, iyo iskaashiga dhaqaale, taas oo dan u ah horumarinta danaha Mareykanka. “Waxay u baahan tahay in loo aqoonsado dal ahaan. Waxaan kugu boorinayaa inaad aqoonsi siiso,” ayuu yidhi Senator Cruz isaga oo la hadlaya Trump.

Ugu dambayn, waxa uu ku daray inuu diyaar u yahay bixinta wixii taageero iyo agab ah ee dhankiisa looga baahan yahay si loo xaqiijiyo yoolka aqoonsiga Somaliland, oo muddo 34 sano ah ahayd goob nabad ah oo dimuqraadi ah, balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

Madaxweynaha Maraykanka, oo isna dhawaan la waydiiyay waxa uu ka yeelayo aqoonsiga ay Somaliland dalbanayso, ayaa sheegay in arrinta uu hadda gacanta ku hayo, isla markaana uu maamulkiisu eegayo.

Dhanka kale, Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay dadaallada aqoonsi-raadinta ee ay wadaan saaxiibbada Somaliland ee Maraykanka, iyadoo la arkayay Masxaf lagu kaydiyo taariikhda Somaliland oo lagu xardhay calanka Maraykanka iyo ereyo mahadcelin ah oo ku socda Madaxweyne Trump.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).